War deg deg ah: Qarax khasaare geystay oo lagu weeraray hooy uu degan yahay Nabadoon caan ah

WAAJIDPRESS – 20 MAR 2017:

Bam gacmeed ayaa lagu weeraray xalay fiidkii hooyga Magaalada Jowhar uu ka degan yahay Nabadoon Sheekh Muuse oo ka mid ah Odayaasha sida weyn looga yaqaan Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Qaraxaasi bam gacmeedka ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah illaalada Nabadoonka, halka sidoo kale dhaawac uu soo gaaray ruux kale oo ka tirsan illaalada Nabadoonka bambada lagu weeraray.

Nabadoon Sheekh Muuse ayaa ka mid ah Odayaasha wax ka dhisay maamulka Hirshabelle ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Jowhar, waxaana xalay goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay qaraxa Nabadoonka lagu weeraray.

Ciidamada ammaanka Magaalada Jowhar oo tagay goobtii ay wax ka dhaceen, ayaa sameeyay hawlgal aanan natiijo ka soo bixin.

Qaraxyada bambada ee gacanta laga tuuro ayaa si aad ah ugu soo badanaya Magaalada Jowhar, iyadoo maalmo ka hor ay haheyd markii xarunta Madaxtooyadda Hirshabelle lagu tuuray bam gacmeed.

Al Shabaab ayaa isku daya falal kasta oo ay ku dhibaateyn karaan dadka ka soo horjeeda fekerkooda ee ku sugan Gobolada dalka Somaliya.

Ciidamada ammaanka Magaalada Jowhar ayaa ku fashilan suggida ammaanka Magaalada Jowhar, maadaama xilli kasta ay baxsadaan kooxaha amnidarada ka geysta Magaaladaasi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: