War deg deg ah: Wasaarada Gaashaandhiga EE MUQDISHO oo hadda caawa la weerarey

WAAJIDPRESS – 20 MAR 2017:

Dableey hubeysan ayaa caawa weerar ku qaadey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Fedaraalka ah, taasoo ku taal wadddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho

Ciidamada Dawladda iyo Dableeyda weerarka soo qaadey ayaa muddo kooban waxaa dhex marey is rasaaseyn aad u xooggan, waxaana caawa qaybo badan oo magaalada Muqdisho aad looga maqlayay dhawaqa qoryaha darandooriga u dhaca ee ay labada dhinac is weydaarsanayeen.

Kooxdii weerarka soo qaaddey ayaa la sheegay in ay iska caabbin adag kala kulmeen Ciidamada Dawladda ee ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaasoo dableeydaas baacsadey ama eryadey.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashey weerarkaan,waxaana weerarkani uu noqonayaa mid aan noociisa oo kale horey u dhicin tan iyo intii Madaxweyne Farmaajo xilka la wareegey.

Ururka Alshabaab ayaa horey wacad ugu martey in ay weerarro la beegsan doonaan Dawladda Cusub ee uu hurmuudka u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaana tallaabadani ay imaanaysaa ayadoo maalmihii dambe uu aad usoo badanayeen dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: