War hadda soo dhacay oo ku saabsan Shaqaalaha Madaxtooyada……………

WAAJIDPRESS – 20 MAR 2017:

Axmed Xaaji Shadoor Maxamuud (oo ka soo jeedey Beesha Abgaal – Hawiye) oo ahaa Agaasimihii Warfaafinta ee Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa maanta xilka laga qaaday, kadib, markii uu Madaxweyne Farmaajo soo saaray Amarkaasi.

Shadoor Xaaji Shadoor oo xilkaasi soo haya tan iyo Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in lagu bedelay Agaasime cusub oo lagu magacaabo C/nuur Maxamed Axmed. 

Waxaa kale oo la filaya in dhawaan xilka laga qaado Agasimihii KMG ee Madaxtooydda, Ambassador Dr. Claahi  Fiqi (oo ka soo jeeda Beesha Tunni – Digil iyo Mirifle), kaasi oo la hadal-hayo inuu Wasiir ka noqonayo Xukuumadda Cusub ee Federalka ee dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Dhinaca kale, Madaxii Borotokoolka ee Madaxtooyadda, Siyaad Maxamuud Shire (oo ka soo jeedey beesha Dhulbahante – Daarood) waxaa lagu beddelay Mas’uul cusub oo lagu magacaabo C/llahi Yuusuf.

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: