WAR DEG DEG AH:- Akhriso then DAAWO: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Nawaaxiga Villa Somalia

WAAJIDPRESS – 21 MAR 2017:

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow qarax ismidaamin ah oo xoogan laga maqlay Nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Meesha sida gaarka ah uu qaraxa uga dhacay waa inta u dhaxeysa Guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka qaranka oo dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Waxaa la soo sheegaya in qaraxan uu ka dhashay gaari caasi/hoomey ahaa oo ku qarxay laamiga ku yaala inta u dhaxeyso Guriga Hooyooyinka iyo Xaruntii Golaha Murtida & Madadaalada (National Theatre).

Qaraxani waxaa ku dhintey 10 Qof,   tiro ka badan 15 qof waa dhaawac.

Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa gaari Caasi ah, waxaana la socday wadaha Gaariga oo ku geeriyooday goobta.
Goobta uu ku Qarxay gaariga ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Milliteriga oo iyaga ka howlgala koontaroolka Hooyooyinka.
Dadka ku dhintay Qaraxa iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa u badan Ciidamo iyo Haween goobta ku iibiya qaad.

Xoogaga Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Xaruntii hore ee Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Xarakada Al Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegay in Qaraxaasi ismiidaaminta ahaa ay ku Dileen ugu yaraan 20 Ruux oo u badnaa Askar.
Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale yaalla gaadiid aad u farabadan oo ku jiray feelka baaritaanka kuwaa oo isugu jira shacab iyo shaqaale Dowladeed – DAAWO video:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: