War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 23 MAR 2017:

Wararka haatan naga soo gaaraya Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa ku soo waramaya in kooxo hubeysan ay goordhaweyd xaafadaas ku toogteen askari ka tirsanaa Ciidamada Malatariga Dowladda Federaalka Soomaliya.

Askari la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cali C/nuur waxayna Goob-joogayaal ku sugan Xaafaadaas ay idaacadda Simba ay u xaqiijiyeen in ragga hubeysna ay askariga dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa taasina ay keentay in durbadiiba uu ku geeriyoodo goobta.

Ragii hubeysanaa ayaa goobta isaga baxsaday, waxaa goobta gaaray sida caadada aheyd Ciidamo kanTirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka askariga.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaa Marti galisay dilal qorshaysan oo loo geysanayay shaqsiyaadka ka tirsan Dowladda federaalka Soomaliya, mana jirto cid loo soo qabtay dilalkaas.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: