War deg deg ah: Xoghayii degmada WADAJIR oo hadda Muqdisho lagu diley

WAAJIDPRESS – 25 MAR 2017:

Muqdisho -Kooxo Hubeysan oo la socday Gaari Nuuca Raaxada ah ayaa Isgoyska Korontada ee Degmada Wadajir ku Rasaaseeyay Gaari ay saarnaayeen Xoghayihii Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Calasow iyo Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Degmada Wadajir.

Dableydaas ayaa Gaariga Xoghayaha uu watay ku hor jaray Gaarigooda kadibna Tacshiirad xoogan ay Huwiyeen.

Waxaana la xaqiijiyay in Rasaastaasi uu ku geeriyooday Xoghayihii Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Calasow iyo 3 ka mid ahaa Ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay Guddoomiye Waaxeedka Laanta Jeneraal Daa’uud ee degmada Wadajir kaas oo dhaawaciisa haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Amniga Degmada Wadajir oo aan xiriiro la sameynay ayaa sheegay in ay baaritaanno ku hayaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi oo la sheegay in ay baxsadeen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: