War deg deg ah: Labo Qarax oo Muqdisho ka dhacay

WAAJIDPRESS – 26 MAR 2017:

Laba qarax, ayaa duhurnimadii maanta siyaabooyin kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho. Qaraxyadan waxay ka dhasheen laba gaari oo kuwa raaxada ah, ka dib markii lagu soo xiray.

Qaraxa hore, ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Dayax oo ku dhow Isgoyska Dabka ee Wadada Maka Al Mukarama. Gaariga qaraxan lagu soo xiray waxaa la sheegay in uu leeyahay nin ka tirsan Shaqaalaha Dowladda, oo magaciisa lagu sheegay C/shakuur Ciise.

Ma jirto cid ku wax noqotay qaraxaasi, marka laga soo taggo burbur ka soo gaaray gaarigii lagu soo xiray. Ciidamada Dowladda oo gaaray goobta uu qaraxaasi ka dhacay, ayaa ka sameeyay baaritaano amni xaqiijin ah.

Qaraxa labaad oo gaari nooca raaxada lagu soo xiray, ayaa ka dhacay Ajabka Degmada Dharkiinley. Qaraxan, ayaa dhacay xilli la sheegay in uu la socday ninkii gaariga lahaa, oo deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Baledweyne.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda, ayaa sheegay in uu fashilmay qaraxaasi, ka gadaal markii uu leeb dhacay, isla-markaana aanu u qarxin sidii ay ugu talla-galeen kuwii dhagarta soo maleygay.

Qaraxyada noocaani ah, ayaa si wayn ugu soo badanaya Magaalada Muqdisho. Jimcihii, ayay ahayd markii laba gaari ay siyaabooyin kala duwan ugu kala qarxeen Degmooyinka Hodan iyo Xamar Weyne. Gaadiidkan oo ay lahaayen muwaadiniin Somaliyeed, ayaa waxaan jirin waxyeelo ka soo gaartay muwaadiniintaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in ay adag tahay in la aqoonsado kuwa dilalka iyo qaraxyadaba ka gaysanaya Magaalada Muqdisho, maadaama aysan lahayn sumado ay kaga duwan yihiin qaybaha bulshada.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: