War deg deg ah: DILALKII UGU BADNAA OO MUQDISHO 24 SAAC KA DHACAY IYO ERGEY BAYDHABO

WAAJIDPRESS – 29 MAR 2017:

Kooxo hubeysan ayaa Xalay Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir waxey ku dhaawaceen mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Goobjooge ayaa sheegay in Maxamed Isaaq Tubane oo ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada lagu dhaawacay Xaafada Nuur Aduunyo xili uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi.

Dhaawaca Isaaq Tubane ayaa loo qaaday isbitaal si halkaasi loogu soo dabiibo.

Dhinaca kale Dabley ku hubeysnaa bistoolado ayaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ku dilay nawaaxiga Buudooyinka halka mid kale ay halkaasi ku dhaawaceen.

Askariga dhintay ayaa magaciisa lagu soo koobay Anas halka midka dhaawacmayna lagu sheegay Shiine.

Kooxihii ka dambeeyay falkaasi ayaa isaga baxsaday goobta.

Dhanka kale dilal ayaa siyaabo kala duwan ugu dhacay degmooyin ka mid ah Gobalka Banaadir’ ayado Toban qof in badan 24 saac ee la so dhaafay lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka oo ku aadan weerarada qorsheysan oo Caawa ka dhacay Degmooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: