Archive for Abriil, 2017

DAAWO: WAXAA MAANTA MAGAALADA AFGOYE EE GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE LAGU CALEEMO SAAREY BEESHA UGAASKA BEESHA 3 GAMBER EE KA TIRSAN BEESHA EELAAY OO DEGTA DEGMADAASI

Abriil 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 APR 2017:

 

 

Advertisements

War deg deg ah: Alshabaab oo weerarey Magaalada WAAJID balse dib loo celiyey

Abriil 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 APR 2017:

Ururka Al Shabaab, ayaa lagu soo waramayaa in xalay saqdii dhexe dagaal qorsheysan ay ku qaadeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo gacanta ku hayaan ciidamada Maamulka  Koonfur Galbeed.

Shabaab ayaa Magaalada waxa ay ka weerareen dhawr jiho, waxaana Magaalada ka dhacay dagaal xoogan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac.

Goobjooge ka tirsan dadka deegaanka  oo ku sugan Degmada Waajid, ayaa Idaacadaha u sheegay inay Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo meesha degan ay dib u celiyeen  dagaalyahanada Shabaab ay soo qaadeen.

Goobjoogaha ayaa intaa ku darey in uu arkey saddex dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan meydkooda.

Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee wararka ay ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen dagaalkaasi inay guulo ka gaareen balse ay adag tahay in la xaqiijiyo wararkaasi.

Hub lagu Qabtey Dekeda Magaalada Boosaaso

Abriil 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 APR 2017:

Ciidamada Booliska Puntland, ayaa maanta ku guuleystay in ay qabtaan hub fudud oo lagala soo degay Dekeda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Hubkan oo ka kooban 15 xabo oo bistoolado ah iyo rasaas fara-badan, ayaa waxaa la sheegay in doonidii waday ay ka timid dhinaca dalka Yemen.

Ciidamada Puntland, ayaa xabsiga u taxaabay nin ganacsade ah oo watay hubkan. Hubka waxaa lagu soo qariyay daasado iyo jawaano saarnaa doonidaasi.

Suxufiyiinta Magaalada Boosaaso, ayaa soo sheegaya inaanan la garanayn ujeedadii laga lahaa hubkaasi, balse uu qorshuhu u muuqday mid lagu doonayay in gudaha loo soo geliyo magaalada.

Saraakiisha ammaanka Puntland, ayaa waxaa lagu wadaa in Saxaafadda u soo bandhigan hubka ay ku qabteen Dekeda Boosaaso, mana aha markii ugu horeysay oo hub sidani oo kala ah lagu qabto Dekeda Boosaaso.

Toddobaadkii hore, ayaa waxaa Magaalada Boosaaso lagu qabtay shan nin iyo qaraxyadii ay wateen, kuwaa oo la sheegay in ay qorsheynayen weeraro ay ka fuliyan Boosaaso.

Puntland oo dagaal adag kula jirta kooxaha nabadiidka, ayaa horey u soo saartay awaamiir ay hubka sharci-darrada ahi kaga mamnuuceyso deegaanadeeda.

DAAWO: XILDHIBAN MUUSE SUUDI OO BAARLAMAANKA MAANTA KA SHEEGEY IN WASIIRO TAYO DARAN BEESHIISA AY KA HESHEY DOWLADA FARMAAJO

Abriil 30, 2017

WAAJIDPRESS – 29 APR 2017:

 

 

DAAWO: BAARLAMAANKA OO MAANTA WARBIXIN KA DHAGEYSTEY GUDIGA……..

Abriil 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 APR 2017:

 

War deg deg ah: Alshabaab oo hadda afduubatey Gabar Qurbaha Ka soo laabatey

Abriil 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 APR 2017:

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Koox Hubeysan oo ka kooban 5 qof oo mid ka mid ah ay aheyd Dumar oo Shalay deegaanka Garas-baalay ee duleedka magaalada muqdisho ka afduubtay Luul Axmed Cali.
Luul Axmed Cali ayaa dhawaan kasoo laabatay Magaalada Abuu Dubai ee Dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta sida dad ehelkeeda ah ay inoo sheegeen.
4 Nin iyo 1 qof oo dumar ah oo wata Boostoolado iyo 1 Gaari ayaa luul ka afduubtay gurigeeda oo ku yaaala duleedka Muqdisho Barqadii Shalay iyagoo geeyay Magaalada Buula-Mareer oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Kooxda Gabadha afduubatay ayaa markii ay geeyeen magaalada Buula-Mareer waxay Telephone Gacanta ay ka soo waceyn Hooyada Dhashay Luul Axmed Cali iyagoo weydiistay Lacag Madax Furasho ah in ay ugu keento Buula-Mareer .
Qof ka mid ah dadka ku nool Garas-baalay oo ay qaraabo yihiin Luul Axmed Cali oo naga diiday in aan adeegsano magaceeda iyo codkeeda Sababo dhinaca Amniga ah ayaa waxaan ka soo xiganaynaa.
“ Shalay Barqadii waxaa noo yimid koox gaari wadata oo ku hubeysan Boostoolado Afkana soo duubtay waxay naga watayn luul, waxayna noo shageyn in ay gabadha dili doonaan hadii aan qeylino ma jirin goob ciidan oo noo dhaw si aan ugu war-gilino kiiskaan, inagoo yaaban ayaa waxaa nasoo wacay telephone waxayna noo sheegeyn in aan Buula-mareer ugu geyno cadad lacageed oo ay sheegtayn inta aysan qoraxda dhicin waana ugeynay waxaana kasoo wadanay Gabadhayn Luul Axmed Cali ” Sidaasi waxaa ii shegtay qof ka mid ah dadka garas-baalay oo ay qaraabo yihiin Luul Axmed Cali.
Waalidiinta Gabadha la afduubtay ayaa waxaa loogu handaday in la weerari doono hadii ay warbaahinta kala hadlaan arintaan ama ay ku wargiliyaan Laamaha Amaanka Soomaaliya lamana oga ilaa hadda cidda Afduubkaasi ka danbeysay.

Xildhibaan Ka tirsan Baarlamaanka oo weerar afka ah ku question aadey Madaxweyne Farmaajo

Abriil 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 APR 2017:

Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax miino oo lagula eegtay wadada taleex ee Degmada Hodan, ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Xildhibaanka ayaa sheegay inuu muuqdo dayac badan oo ku aadan ammaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somaliya, iyadoo aanan si rasmi ah loo dhaqan galin balan qaadkii Madaxweynaha Somaliya ee ku aadanaa inuu xil iska saaraayo suggida ammaanka Xildhibanada.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xilligii uu ku jiray ololaha doorashada Madaxtinimada dalka, waxa uu sheegay inuu meesha ka saaraayo dhaqanka ah in la dayaco ammaanka Xildhibaanada Somaliya oo ah kuwa wax doorta.

Maxamuud Abukaato, ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda inay iska indha tirayaan ammaanka Xildhibaanada qaranka Somaliyed oo shaqo adag dalka ka haayo.

“Walaahi waa nasiibdaro aad u weyn Madaxyinihii Jamhuuriyadda markii uu ololaha ku jiray inuu Baarlamaanka ka hor sheegay inuu xubnaha Baarlamaanka si gaar ah ammaankooda iyo daryeelkooda isaga saari doono, taa bedelkeedana waxaan aragnay dayacaad iyo iska xil saarid la’aan ka jirta meeshaan, marka waa nasiibdaro, balamadii uu Madaxweynaha qaaday dhamaan, maalinba maalinta ka dambeysa inay ka sii niyad jabayaan shacabka iyo Xildhibanada.” Ayuu yiri Xildhibaan Abukaato.

Xildhibaanka ayaa intaasi wuxuu ku daray “Ifafaalaha inoo muuqda ayaa ah maalinba maalinta ka dambeysa waa niyad jab shacabkaan u soo hooyanaysa la rabo 10-sano in dalkaan dib loo celiyo in qarax la isla beegsado.”

Xildhibaan Maxamuud Abukaato, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya ay kala xisaabtamayaan arimaha ku aadan ammaanka Xildhibaanada iyo horumarinta hawlaha shacabka Somaliyed.

Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho, waxaa ka dhacaayay falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ay gaysanayeen Ururka Al Shabaab.

DAAWO: DIGIL IYO MIRIFLE OO MAANTA BAYDHABA MAR KALE KA BILAABEY KACDOONKII AY KU SOO CESHAN LAHAAYEEN LIXDA GOBOL EE KOONFUR GALBEED

Abriil 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 APR 2017:

 

War deg deg ah DAAWO: KHILAAF IYO MOSHIN KU SAABSAN IN CIIDAMO KA MADAX BANAAN DOWLADA LOO SUUBIYO MAAMUL GOBOLEEDYADA

Abriil 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 APR 2017:

 

 

War deg deg ah: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo ka badbaaday Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho IYO sarkaal caawa la diley

Abriil 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 APR 2017:
Waxaa caawa Fiidkii qarax miino oo nuuca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari uu lahaa Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Fedreraalka Soomaaliya, waxaana qaraxan ka dhashay Khasaare soo gaaray ilaalo Xildhibaanka la socotay.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa lagu beegsaday Gaari uu watay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa sida la sheegay Qaraxaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 3 Askari oo ka mid ah Ilaalada Xildhibaankaasi.

Qaraxa Miino ayaa ka dhacay Laamiga Taleex gaar ahaan meel ku dhaw xarunta Degmada Hodan, waxa uuna Qaraxa haleelay gaari uu lahaa Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya lagu magacaabo Maxamuud Abuukaate .

Gudoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Miino wadada dhinaceeda lagu aasay, waxa uuna tilmaamay in qaraxa uu ka bad baaday xildhibaanka lala eegtay balse ay ku dhaawacmeen labo kamid ah ilaaladiisa.

Dhinaca kale, isla caawa, waxaa magaalada Muqdisho lagu diley sarkaal si aad ah loo yaqaan.

Dilkan ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Degmadda Wadajir gaar ahaan Suuqa weyn ee degmadaas.

Sargaalka la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Baroodo, waxaana uu kamid ahaa xubnaha dowladda ee sida weyn looga yaqaan Suuqa degmada Wadajir.

Kooxdii dilka geysatay ayaa lasoo sheegayaa iney goobta ka baxsadeen, waxaana ay ka qaateen qorigii uu watay.