Qarax Askar ay ku dhinteen oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay Duleedka Degmada Afgooye

WAAJIDPRESS – 1 APRIL 2017:

Afgooye – Ugu yaraan 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM ayaa ku geeriyootay kadib Qarax Miino oo Kolonyo ay Ciidamada AMISOM la socdeen lagula eegtay Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkaan ayaa ka dhacay Nawaaxiga deegaanka Cadow Dibille ee Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kolonyadaan oo ka ambabaxay Degmada Afgooye ayaa ku wajahnaa Deegaanka Shalaanbood ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose,

Goob Joogayaal ayaa Idaacadda Shabelle iyo Idaacaddaha kale  u xaqiijiyay in mid ka mid ah Gaadiidka Kolonyada Ciidamada AMISOM uu haleelay Qaraxaasi Miino ayna ku dhinteen illaa 4 Askari.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro Gaadmo ah kula beegsada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Gobolkaasi Shabeelaha Hoose , kuwaas oo mararka qaar Khasaarooyin ay kala kulmaan Ciidamadaasi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: