War hadda soo dhacay: Wariye hadda MUQDISHO lagu afduubey

WAAJIDPRESS – 1 April 2017:

Wariyayaal ka Tirsan idaacadda goob-joog FM ee Magaalada Muqdisho kooxo hubeysna ayaa saakay afduubtay Wariye Hanad Ali Guuleed oo ka tirsan isla idaacada Goob-Joog , isagoo xiligaas ku sii jeeday goobtiisa shaqo.
Hanad Ali Guled oo ka Tirsan shaqaalaha idaacadda Goob-joog ayaa sidoo kale maalmahaan waxa uu ka dhex muuqday Barnaamij Lagu Magacaabo Media For Aid oo loogu gurmanayo dadka Abaaraha kasoo barakacay oo uu isagu fikirka lahaa.

Waxaa la sheegay in illaa lix nin oo bastoolad ku hubeysan ay afduubteen wariyahan, sida ay xaqiijiyeen Maamulka Idaacada.
Sidoo kale Wariyayaasha idaacadda goob-joog FM ee Magaalada Muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay in wariyaha Taleefankiisa gacanta dhowr mar la wacay islamarkaana aan laga jawaabeenin.
Lama ogo cida afduubtay wariyaha iyo halka laga haayo xiligaan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: