War deg deg ah: Dowlada UGANDA oo ciidamo dheeraad ah Soomaaliya u soo dirtey

WAAJIDPRESS – 4 APRIL 2017:

Dowlada Ugandha ayaa ciidamo kale oo gaaraya ku dhowaad labo kun oo askari gaaraya u soo direysa Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka noqon doona ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika uu maamulo.
Ciiddanka cusub ee la soo dirayo Somalia ayaa la sheegay inay tiradoodu dhan tahay 1,845 Askari, kuwaasi oo tababar loogu soo xiray xero milateri oo ku taalla dalka Ugandha.
Taliyaha ciidanka difaaca Uganda, Jeneral David Muhozi ayaa ugu baaqay Ciidamadda cusub inay noqdaan Askar Akhlaaq leh, kuna xad-gudbin Xuquuqda iyo dhaqamada dadka Soomaalida.
Afhayeenka Ciiddanka Uganda ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka UPDF, Jeneral David Muhoozi calanka Baaqa Bixitaanka u laalaadiyey Ciiddanka ka mid noqonayo Hawlgalka AMISOM.
Ciidamadan ayaa todobaadyada soo socda loo soo daabuli doonaa Soomaaliya, iyadoo wararku sheegayaan iney ka howlgeli doonaan magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Ugandha ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada ku leh howlgalka AMISOM ee ka socda Somalia, waxaana dagaalada ay kula jiraan kooxda Al-shabaab looga dilay boqolaal askari mudadii tobanka sano aheyd ee ay dalka joogeen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: