War deg deg ah: Kacdoon halis iyo Niyad Jab shacab oo looga soo horjeedo MADAXWEYNE Farmaajo

WAAJIDPRESS – 4 APR 2017:

Dowladda madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo Si weyn aay u soo dhoweeyeen shacabka ayaa hadda waxay ku dhowdahay in ay weyso kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ayadoo hada lumisay Shacbiyad badan.
Qaar ka mid ah Idaacadaha oo ka mid ah Baidanews, WAAJIDPRESS iyo kuwa kale oo la sheekeysatay qaar kamid ah shacabka ku sugan Magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale ayaa u sheegaay’ in aay dareemayaan niyad jab aad u ballaaran maadama balanqaadyadii Farmaajo Shacabka u sameeyay beenoowday .

Dadku waxa’aay aaminsanaayeen in aay wax walbo degdeg isku bedali doonaan, balse madaxweyne Farmaajo markii uu helay xilka xitaa wuxu joojiyay fariimahii shacabka U ku beer laxawsan jiray .

Waxa’aay dadku ku doodayaan sidoo kale in weli hal magaalo oo dalka ah xitaa aan laga sameyn isbedal amni, wax walbana ay joogaan meeshii ay shalay joogtay iyo ka sii hoos dib u dhacna uu dalka galay .

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadka yaqaana ku tilmaameen in uyahay shaqsi sal fudud ‘isla marakaana sii heyn Karin Xilka uu hada haayo maadama balanqaaydadii u Sameeyay xiligi uu ahaay Musharaxa hal ka mid ah ka qamsoomin.

Dowladda Farmaajo ayaa lagu haminayey in 40-ka cisho ee ugu horreeya ay dalka oo dhan isbedal ka sameyso, la helo amni, mushaarka shaqaalaha dowladda iyo waxyaabo badan, balse weli intaasi lama hayo waxaayna muuqata mid durba fashilmatay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: