War deg deg ah: Hadda Ayaa xilka Laga wada qaadey dhamaan Taliyeyaashii CIIDAMADA iyo Amniga — Akhriso

WAAJIDPRESS – 6 APR 2017:

MADAXWEYNE Farmaajo Ayaa Gudoomiyaha Gobolka  Banaadir u magacaabay Taabid Cabdi oo kasoo jeeda Hawiye gaar ahaan Abgaal, Waceysle, waxaana booskaas ka baxay Yuusuf Xusen Jimcaale oo ay isku beel noqdeen wasiirka warfaafinta sidaasna awood qeybsiga beelaha xilkaas ku waayay.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo golaha u soo bandhigay magacaabista Taliyeyaal cusub oo ciidanka Qalabka sida ay yeeshaan, waxaana dood iyo falan qeyn dheer kadib cod buuxda ku ansixiyeen Golaha Wasiiradu xubnahan hoos ku xusan.

Waxaana loo kala magacaabey:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jan. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid
Taliyaha Hay’adda Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
Taliyaha Ciidanka Boliiska Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid)
Taliyaha ciidanka Asluubta Jan. Xuseen Xasan Cismaan

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Magacaabay Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya waxaana uu ka dhigay C/fitaax Ibraahin Cumar Shaaweey oo u dhashay Beesha Murusade.
Sidoo kale waxaa Xilalkii laga qaaday Maareeyaasha Garoonka iyo Dekedda,waxaana Maareeyaha Garoonka loo Magacaabay Mas’uul la yiraado Yuusuf Jaale, oo dhashay Beesha Maxamd Muuse Galmaax Abgaal halka Maareeyaha Dekedda loo Magacaabay Mas’uul la yiraado Axmed Washington oo dhashay Beesha Mataan Cabdulle oo ka mid ah beelweynta Abgaal.

Labada mas’uul ee la magacaabay ayaa saaxiibo dhow la ah madaxweynaha. Axmed Washington iyo madaxweynaha ayaa saxiibo ahaa muddo ka badan 30 sano, halka Yuusuf Jaalle uu ahaa madaxii ololaha doorashada madaxweynaha.
Axmed Washington iyo Yuusuf Jaalle, ayaa sidoo kale kasoo jeeda beesha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal, oo ah beesha ugu badan Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe.
Axmed Washington waxa uu kasoo jeedaa beesha Mataan Cabdulle, halka Yuusuf Jaalle uu kasoo jeedo beesha Maxamed Muuse. Labadan beel oo ka tirsan beelweynta Galmaax.

Dhinaca kale DAAWO Farmaajo oo ku dhawaaqey in dalka uu galey Xaalad dagaal muddo  60 maalmood ah :

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: