War deg deg ah: Akhriso then DAAWO: Qarax ismidaamin ah oo hadda Muqdisho ka dhacay — Khasaaro badan

WAAJIDPRESS – 9 APR 2017:

Weerar ismiidaamin ah, ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo uu weerarkan fuliyay nin naftii halliga ahaa oo la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ninkan, ayaa inta u dhaxeyso Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ex Kulliyaddii Jaalle Siyaad ku weeraray kolonyo uu la socday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale (General Cirfiid).

Taliyaha, ayaa waxaa la sheegay in weerarkaasi uu ka badbaaday, balse gaari caasi ahaa oo qaraxa kula kulmay wadada, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu ku burburay qaraxaasi.

Gaarigan oo xilligaa ka yimid dhinaca wadada ka timaada Ex Control Afgooye, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu waday rakaab. Inta badan dadkii gaariga saarnaa, ayaa la soo sheegaya in qaraxaasi ay ku waxyeeloobeen.

Intii goobta mashquulka ay ahayd ayaa hadane waxaa dhacay qarax Labaad oo aad u xooggan, waxaana halkaasi ku dhintey askar badan, sida ay Goob joogayaal inoo sheegayaan.

Dadka dhintay oo u badnaa shacab ayaa waxaa ku jiray Hooyooyin iyo Carruur wada socday.
Weerarkaani oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha ammaanka.
15 oo shacab ah iyo 5 Askari ayaa halkaasi ku dhimatay, waxaana dhaawacmay 20 Ruux, iyadoo hadda la daabulayo dhaawacyada, waxaa sidoo kale badbaaday taliyaha ciidanka xoogga dalka – DAAWO:

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: