Faalo xaqiiq ah: Hurdaayow Toos, Hadaad Afweyne Dhimasho Ku Ogeyd Ogow Afweyne Yare Inuu Dhashay – Farmaajo Waa cadowga DIGIL IYO MIRIFLE

WAAJIDPRESS – 10 APRIL 2017:

Hadalada nifaaqa gaamurey ka muuqdo ee uu marwalba shacab weynaha Soomaaliyeed si qiireysan ujeediyo Madaxweynaha lab lakaca lagu doortey ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, Farmaajo “Afweyne Yarre” ayaa ah kuwo laga soo min guuriyey haraadigii Afweyne ee heriyadiisa soomaali 26 sanno ka hör tuurtey.

Haddaad u fiirsato markuu Afweyne Yarraha hada dalka Madaxweynaha ka ah qudbeynaya in badan oo hadaladii Adeerkiisa ayaa afkiisu kasoo butaaca taasi oo la oran karro inuu yahay shaqsi Aargoosi iyo dhameystirkii howlihii ay ka carareen haraadigii Siyaad Barre u heelan waxaanu qormadeenu ku cadeynaynaa inuu arinku sidaa yahay qodobadan:
1-Afweyne Yarre inuu qabyalidiiste xaqiir ah yahay waxaad dib u eegtaan buugii teesihiisa Master-ka uu ku diyaarinayay waxaa uu beelaha Digilmirifle ku tilmaamay dad tiro yar oo beer qodato la quursado ay yihiin, qoraalkaasi ayuu kaga dhabeeyey xulidii golaha Wasaaradaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ku dhisnaa Awood qaybsi, wuxuuna ka ilaaliyey Wasaaradaha siyaasada iyo deegaanka qaabilsan wuxuuna dhameystirayaa walaalkii waa Reysal Wasaarihii Xasan Sheekh cayrin jirey waa Cabdiweli Yuul oo horey soohdin u dhigey Baydhaba iyo Baardheere kana dhigey sidii Koofurta Kuuriya iyo Waqooyiga Kuuriya.
Waxaad xasuusataan in xildhibaano Digilmirifle kasoo jeedo oo hal ilaa labo ah oo waxyar dareen ku jira ayaa ka qayliyey qaybtanka xaaraanta ahaa wuxuu ku jawaabay anugu qabiil wax kuma soo xulin qaranimo ayaan kusoo xuley taasi oo ah ereyadii adeerkiisa ku awrkacsan jirey.
2- Sidaad ka warqabtaan Wasiirka Dastuurka , Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta waa hogaankii Jabarti Ismaciil dhashiisa sida ay sheegan jireen, hadaba waxaa inagu soo fool leh in 2020 la rabbo ka hor in dastuurka la dhameystiro soohdimaha maamul goboleedyadana la yagleelo;
Akhristow dadka wax loo qaybinaya waa Digilmirifle iyo Hawiye waxaana qaybinta gacantooda ku jirta Ilma Jabarti oo Aabahooda horey Somaliya oo sided gobol ka kooban tobon gobol kale uga dhex abuurey taasi oo ah mida Daarood uu marwalba gobol halagu qaybtamo ku haya Gowso Abeeso hoos bey ka xiriiraan horaa loo yiri, weli ma maqashey aragtidaasi oo qof Daarrood ama beel Daarood kasoo jeedo oo diidan dhabtu waa maya.
Hadaba waa marag madoonto qabyadii Adeerkii Afweyne dhamaystirkeeda inuu u tafa xeytey Afweyne Yare.
3- Magacaabistii Madaxtooyada min agaasime ilaa shaqaale ilaa hada inta la shaaciyey waa 22 qof waxaa Hawiye ka ah 4 qof oo hoyadoodu ay tahay Mareexaan iyo 2 Murunsade ah,waxaa la yaableh Digilmirifle hal qof oo waardiye ah xataa ma magacabin xil sarre iskaba daa malaha hooyadooda ayaa Mareexaan laga waayay ama xasaskooda.
Hadaba aqristow intaan soo xusey intaan maqlin iney ka badan tahay waan hubaa waxaase waaga ku baryi doona Hawiye iyo Digilmirifle markey Muqdisho Marti ku noqdaan sidey waa ahaan jirtey.
Isku soo wada duub hadaanan la daba qabanin dhagarta geed ku gabadka lahayn ee Tiirkii Shanta Daarood ku maldahan waxaa lama huraan noqon doonta FARJANO IYO MEEL KA FOG.

Faallo u dhaaf