Maamul goboleedkii 3aad ee Somalia ka tirsan oo hawada soo geliyey TV codkiisa ku hadlaya

WAAJIDPRESS – 10 APR 2017:

Maamulka Koonfur galbeed Somalia ayaa ku guuleystay inuu hawada soo geliyo telefishin cusub oo ku hadlaya codka maamulkaas kaasoo xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo.

Magaca Tv-gan cusub ayaa laga dhigay South west State Television , iyadoo muddo dheer laga shaqeynayey sidii hawada loo gelin lahaa.

South west State Television ayaa hawada ku jiri doona 24-ka saac waxaana ka bixi doona barnaamijyo iyo warar ku saabsan xaaladaha ka jira degaanada hoos taga maamulka koonfur galbeed Somalia.

Telefishankan oo howlgelintiisa ay kaalin muuqata ka qaateen rag khibraddooda warbaahineed ay sarreyso iyo saaxiibo ku caawiyay talooyin horumarineed ayaa waxaa howsha ugu weyn ee ka dhabbeynta iyo hirgelinta mashruuca Telefishanka yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Lataliyaha gaarka ah ee Warfaafinta ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Eng. Cabdulqaadir Maxamed Cali “Tuunda”, rug cadaa saxafi ah Ibraahim Maxamed Xuseen “Jeekey” , Agaasimaha guud ee Telefishanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Ilyaas Cali Nuur iyo Eng. Maxamed Abaadir Abuukar (Carab).

Taaba-gelinta Mashruuca lagu howlgeliyey Telefishankan waxaa dedaal badan geliyey masuuliyiin iyo howlwadeeno ay ka mid yihiin Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Warfaafinta maamulkaas, Xasan Cabdi Maxamed, Lataliyaha gaarka ah ee Warfaafinta ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Eng. Cabdulqaadir Maxamed Cali (Tuunda) iyo xubno kale.

Agaasimaha Telefishanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Ilyaas Cali Nuur ayaa sheegay in Tvgan cusub uu ka soo galayo Thaicom Satellite, Frequency 04113, Horizontal Symbol Rate: 13333.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa noqonaya Maamul goboleedkii saddexaad ee ka tirsan dowlada Somalia oo yeesha TV ku hadla codkiisa waxaana horey telefishino noocan u sameystay maamul goboleedyada Puntlad iyo Jubaland.

Maamulka Somaliland oo sheegatay iney ka madax banaan tahay Somalia ayaa isna leh telefishin ku hadla codkiisa – Filo Video.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: