War deg deg ah: Akhriso then Daawo: Nin xirnaa tuutaha Militariga oo isku qarxiyay xero ciidan oo Muqdisho ku taala iyo saraakiil badan OO ku dhintey

WAAJIDPRESS – 10 APR 2017:

Nin sida la sheegay xirnaa tuutaha ciidanka Militariga Somaliya ayaa goor dhaw isku qarxiyay xerada ciidanka ee Warshadii hore ee Nac naca, balse hadda loo yaqaan Xerada General Dhagabadan ee ku taalo Degmada Wadajir.

Ninkaan xirnaa tuutaha ciidanka Militariga ayaa la sheegay inuu si toos ah u galay xerada, maadaama ciidamada illaada xerada aysan celin oo ay moodayeen askari ka tirsan ciidanka Xooga dalka Somaliya.

Qaraxa Ismiidaaminta ah ee Maanta ee uu fuliyay ninkaasi inuu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dadka dhintay ay ka badan yihiin 10-ruux, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 15-kale, kuwaasi oo lagu dabiibayo Cisbitaalada Magalada Muqdisho.
Dadka la Xaqiijiyay inay ku dhinteen Weerarkani Ismiidaminta ahaa ayaa waxaa ka mid ah, Madaxii Tababarada ee Xerada Warshadii hore ee Nacnaca Korneel Badri Sheekh Aadan, Macalimiin Milateriga oo ay ka mid yihiin Korneel Bilaawe Cadde, 2-xidigle Cabdi Xakiin iyo G/dhexe Abuukar Dheere.

Xoogaga Alshabaab Ayaa sheegtey qaraxii ismidaaminta Maanta.

 

DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: