War deg deg ah: Kooxo oo hadda MUQDISHO ku weerarey Taliyaha Boliiska Saldhiga Wadajir

WAAJIDPRESS – 11 APR 2017:
Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ayaa goordhaw weerar ku qaaday gaari uu la socday taliyaha ciidanka booliiska Saldhiga Degmada Wadajir Captan Cabdi Baasit Maxamuud.

Sida aan Wararka ku helnay taliyaha booliiska oo kasoo baxay saldhiga degmada Wadajir ayaa weerar kedis kala ah kulmay gaari yar ay saarnaayeen kooxo hubeesan, kuwaa oo rasaas xoogan ku furay gaariga uu la socday taliyaha.

Ciidamo katirsan booliiska oo la socday taliyaha la weeraray ayaa iska caabin xoogan sameeyay waxa ayna rasaas dhankooda ku fureen gaarigii ay wateen kooxda hubeesan, kuwaa la sheegay in ay goobta ka baxsadaan.

Goob jooge ku sugan halka uu weerarku ka dhacay ayaa noo sheegay in ragii hubeesnaa ay ka careen garaigii ay wateen uguna dhax tageen hub , waxa ayna ku baxsadeen xaafado ku dhaw halka uu weerarku ka dhacay.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa xiligan dareemaya cabsi xoogan oo ka dhalatay qaraxyada kusoo batay magaalada Muqdisho , waxaana inta badan Khasaaraha ka dhasha qaraxyada ay soo gaaraan dadka shacabka ah.

Kooxda Al Shabaab ayaa kordhisay qaraxyada ismniidaaminta ah iyo kuwa gaadiidka lagu xiro ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana maalmihi lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay qaraxyo khasaaro kala duwan dhaliyay.

Shacabka ayaa hada dareemaya cabsi aad u xoogan, waxa ayna inta badan cabsi dareeemaan marka ay hormarayaan ama tagaan hoteelada iyo xarumaha dowlada iyaga oo ka cabsi qaba in halkaasi marka ay joogaan uu weerar dhaco ayna waxyeelo soo gaarto.

Dadka magaalada Muqdissho ku dhaqan ayaa aaminsan in qaraxyada soo kordhay sabab u yihiin hanjabaadii uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay kooxda Al Shabaab, kuwaa oo iyana bilaabay weeraro ka dhan ah dowlada si ay uga hortagaan howlgalada qorsheenayo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: