War deg deg ah: Madaxweyne Farmaajo oo hawlgeliyay Saraakiil uu Indhacadde ka mid yahay

WAAJIDPRESS – 12 APR 2017:

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah uu Gobolka Banaadir uga hawlgelinayo Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, si ay Ururka Al Shabaab uga sifeeyan.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa iftiimiyay in uu adeegsan doono xeelad lamid ah, middii Ururka Al Shabaab sanadkii 2011-ka looga saaray inta badan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabadda xuska 12-ka April oo iminka ka socoto Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa mid mid ugu yeeray Saraakiisha kala ah General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde), General Maxamed Maxamuud Saney, General C/laahi Cali Caanood, General Maxamuud Maxamed Khaafow, General C/laahi Cismaan Cagey, General Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duule), C/laahi Macalin Nuur iyo Sarkaal Amisom ka tirsan, oo hawlgelkii xilligaa ka qayb qaatay.

Madaxweynaha, ayaa sheegay Saraakiishan in ay yihiin kuwii Magaalada Muqdisho xilligaa ka saaray Al Shabaab, hadana uu iyaga u adeegsan doono in ay xaqiijiyan nabadgelyada Caasimadda.

Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa uu soo hadalqaaday Allaha u naxariistee General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) iyo General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo labaduba geeriyooday in kaalin mug leh ku lahaayen xorayntii magaalada.

Wuxuu intaa hadalkiisa ku daray in Saraakiishaasi ay mudan yihiin in markasta la xuso, maadaama sida uu tilmaamay ay door fir fircoon ku lahaayen wiiqitaanka awooddii mintidiinta.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ku celiyay in dowladdiisu ay dagaal la geli doonto Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada Somaliya, haddii ay diidan yihiin xasiloonida dalka.

Farmaajo, ayaa xilligii uu u yeeraayay Saraakiishan waxaa garabkiisa taagnaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid, oo sanadkii 2011-ka soo qabtay xilkan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: