War deg deg ah: ODAY ka mid ahaa ergadii soo dooratey Xildhibaanada Ayaa lagu diley BAYDHABA

WAAJIDPRESS – 14 APR 2017:

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa xalay waxaa lagu dilay Nin oday ahaa, sida uu soo sheegayo wariyaha Baidoanews.com

Dilkan oo si gaar ah uga dhacay xaafada Mursal ee Magaalada Badhabo ayaa la sheegay in ay geysteen Rag Bastoolado ku hubeysan, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ninka Odayga ah ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jira Xaaji Cabdi, waxaana Dadka degaanka, ay xaqiijiyeen in Odaygaasi la weeraray, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa oo aan sidaasi uga fogayn goobta lagu dilay.

Dadka degaanka, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Dableyda ay marxuumka dhawr xabadood kaga dhufteen madaxa, islamarkaana ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen.

Allaha u naxariistee Xaaji Cabdi, ayaa ka tirsanaa Ergadii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka ku soo dooratay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: