War deg deg ah: Xiisad dagaal oo u dhaxeeya PUNTLAND IYO GALMUDUG oo ka taagan Degmada GALKACAYO ee gobolka MUDUG

WAAJIDPRESS – 14 APR 2017:

Xiisada U dhaxeysa Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa laga Dareemayaa Magaalada Gaalkacyo Taasi oo ku saabsan Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi oo lagu Wareejiyey Dowladda Imaaraadka Carabta.

Maamulka Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa ka soo horjeestay Qorshaha Puntland ay Dowladda Imaaraadka ay ugu Wareejisay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo ka mid ah Hantida Ma guurtada ah ee laga Dhaxlay Dowladda Militariga aheyd ee Bur-burtay Sanadkii 1991.
Gudoomiye ku Xigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug Cabdi Xuusen Maxamed oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sharci Daro ku tilmaamay Qorshaha Puntland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka Wadaan Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha oo maamulkiisa ay si rasmi ah ula Wareegayaan Dowlada imaaraadka kaasi oo maanta Hareerihiisa ay Howlgal Dhisamayaasha lagu Bur-burinayo ka sameeyeen Ciidamada Dowlada Gobaladeedka Puntland oo wata baal-doosaro.
Gudoomiye ku Xigeenka Gobalka ayaa sheegay in dib loo soo celiyey Dagaalkii labada Maamul mar hadii-ba Puntland ay bilowday Dhisamaha Garoonkaas oo muran ka taagan yahay lahaanshaha iyo gacan ku heyntiisa waxa uuna Dowlada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ugu Baaqay inay si dag dag ay u faragaliso.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: