Wasiirka Gaashaandhigga oo $51,000 ku wareejiyay Guddiga Abaaraha

WAAJIDPRESS – 15 APRIL 2017:

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed (oo ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE), ayaa maanta Guddiga gurmadka Abaaraha ku wareejiyay lacag dhan $51,000 (Konton iyo kow kun) oo dollarka Mareykanka ah.

Lacagtan ayaa laga soo uruuriyeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya, oo laga jaray mushaaraadkii ay qaadanayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidamada milateriga aysan muddo qaadan wax mushaar ah, sidaas darteed ay haatan diyaar u yihiin inay is garab taagaan shacabka Soomaaliyeed ee abaarta saameysay

Guddiga gurmadka Abaaraha ayaa Wasiirka difaaca uga mahad celiyay lacagta uu Guddiga ku wareejiyay, waxaana Guddiga ay tilmaameen in wax lagu farxo ay tahay tallaabada Ciidamada Milateriga ay lacagaha isaga soo uruuriyeen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: