War deg deg ah: Madaafiic galabta lagu garaacay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 18 APR 2017:

Dhawr xabo oo hoobiye-yaal ahaa, ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu garaacay Magaalada Muqdisho, iyadoona jugtoodu laga maqlay xaafado badan oo Caasimadda ku yaala.
Hoobiye-yaashan oo aan weli la garanayn halka laga soo tuuray, ayaan sidoo kale la aqoon halka uu bartilmaameydkoodu ahaa.

Hoobiye, ayaa galabta ku soo dhacay iskuul ka soo horjeedka Xarunta Degmada Hawlwadaag, xilli ay ardaydu qaadaneysay xiisadaha ka baxa iskuulkaasi, waxaana la xaqiijiyay in hal arday ku dhintay, halka saddex kalana ay ku dhaawacantey.

Hoobiye kale, ayaa ku soo dhacay xaafadda Tokyo ee Degmada Hawlwadaag, iyadoo uu ku dhintay nin dhalinyaro ahaa, halka laba kalana ay ku dhaawacantay.

Madaafiicda kale ee lagu garaacay magaalada, ayaan faah faahin laga hayn goobaha kale ee ay ku dhaceen, saacadaha soo socda ayaa la fillayaa in faah faahintooda la helo.

Axadii, ayay ahayd markii Degmada Wadajir lagu toogtay laba ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, oo tuureysay madaafiic lagu weeraray dhinaca Garoonka Aadan Cadde.

Shabaab, ayaa inta badan sheegta masuuliyadda weerarada lagu carqaladeynayo xasiloonida Magaalada Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: