War hadda soo dhacay: Laba qof oo lagu dilay Magaalada Ma

WAAJIDPRESS – 20 APR 2017:

Gelinkii dambe ee maanta, ayaa laba nin waxaa lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, xilli raggaasi la sheegay in ay la socdeen gaari nooca dadweynaha.

Labadan nin oo sida la sheegay ku labisnaa tuutaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa la socday gaari BL oo ku sii jeeday dhinaca Isgoyska Dabka, waxaana la xaqiijiyay in gaariga lagu dhex dilay.

Mid ka mid ah rakaabkii gaariga saarnaa, ayaa sheegay in laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, isla-markaana la saarnaa gaariga, ay gaysteen dilka askarta.

Ninkan oo codsaday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in ragga dilka gaystay ay iska soo dhigeen rakaab caadi ah, sidaasina ay gaariga u soo fuuleen.

Wuxuu intaa ku daray askarta in ay saarneyd shirka hore ee gaariga, isla-markaana ay dembiile-yaasha ka faa’iideysteen askarta oo gaariga ku dhex sheekeysaneysay, ayna u suurta-gashay in dilka ka dib ka baxsadaan goobtaasi.

Dhanka kale Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Bakaaraha ka hawlgala oo ku baxay halkaasi, ayaa ku fashilmay in ay gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha.

Toddobaadkii hore, ayaa sidaan oo kale nin askari ahaa waxaa loogu dhex dilay gaari BL oo uu ka raacay Suuqa Bakaaraha, iyadoona uu dilkiisu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: