Akhriso then DAAWO VIDEO: MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAGAALADII UGU HOREYSEY UU BOOQDO NOQOTEY BAYDHABA

WAAJIDPRESS – 23 APR 2017:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi aad u balaaran oo gaaraya 81 xubnood uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo caawana ku hoydey ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Difaaca Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Drs Maryan Qaasim Axmed, Wasiirka Caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo Wasiiru dowlaha Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo Aqalka sare (oo kuligood ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE).

Waa safarkiisii ugu horeeyay ee Farmaajo uu ku taggo Magaalo ku taala dalka, oo ka baxsan Magaalada Muqdisho, tan iyo markii 8-dii Febaraayo oo doortay xilka madaxweynaha dalka.

‘’Waxaan xasuustaa markii la doortay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud safarkii uu halkan [Baydhabo] ku yimid isaga oo la tashi dadka kala sameynaya cidda uu ra’iisal wasaaraha ka dhigayo in aad u sheegteen Farmaajo ayaa rabnaa, xasuus gaar ah ayeey ii leedahay waana tan keentay in aan safarkeygii ugu horeeyay ee dalka gudihiisa halka ka bilaabo ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa uu sheegay madaxweynaha in shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo yihiin shacab jecel sida uu hadalka u dhigay dowladnimada, isaga oo dhinaca kalana balanqaaday in dowladdiisa ka shaqeyn doonto fududeynta doonista iyo rabitaanka dadka ku dhaqan deegaannada K/galbeed.

Madaxweyne Farmaajo oo ay soo dhaweeyeen Madaxda dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, qeybaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida ayaa shacabka u sheegay in dowladdu ay dadaal u gashay u gurmashada dadka ay abaarta saameysay, ayan sii wadayaan in loo gurmado dadka ku xoolo beelay abaarta – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: