War Farxad leh oo deg deg ah: Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta magacaabey 4 ku-xigeen oo mid ka mid ah Beelweynta DIGIL IYO MIRIFLE

WAAJIDPRESS – 24 APR 2017:

 Xogahaya Guud ee Gobolka Banaadir Drs. Zubayda Maxamed Xaajid Mukhtaar

 Gudoomiye ku-xigeenka arimaha Siyaasada Eng. Maxamed Saalax (oo degenaan jirey Virginia – Maraykana)

 

Digreeto  Ka Soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa maanta lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Banaadir  ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay Gudoomiye kuxigeenada Gobolka iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Thaabit ayaa sidoo kale magaacay 4 Gudoomiye kuxigeen iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka banaadir.

dadka la magaacabay ayaa waxa akujirto hal qof oo dumar ah waxaana ay eheyd mid lahadal hayay mudooyinkan isbadalka lagu sameeyay Gudoomiye kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Waxayna kala yihiin:

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa loo magacaabay  Drs. Subeyda Maxamed Xaaji Mukhtaar (oo ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE -Waxaana dhalay Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar oo ah Prof. ku Takhasusey History).

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada ayaa waxaa loo magacaabay Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir waxeyna badashay Ismaaciil Macalin Cabdi Guure.

Gudoomiye Kuxigeenka  amniga iyo Siyaasada waxaa loo magacaabay Maxamed Saalax Sheekh Maxamed (oo ka soo jeeda Beesha Murusade – Hawiye), kaa soo badalay Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada waxaa laga dhigay Cabdullaahi Xaaji Ereg (oo ka soo jeea beesha SACAD – HABARGIDIR), waxaana laga qaaday Iimaan Nuur iikar oo mudo Toodbo sano kusiman xilka soo hayay.

Gudoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka waxaa isna loo magacaabay Aadan Sheekh Cali Fiidow.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: