Madaxwynaha Koonfur Galbeed oo maanta howlo shaqo ku tagey Magaalada DIINSOOR ee gobolka BAY – Sawiro

WAAJIDPRESS – 26 APR 2017:

       

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee Gobalka Bay isagoo booqday xarumaha ay ku xareysan yihiin Ciidamada Komaandosta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Diinsoor.

Booqashada Madaxweyne Sharif ayaa  waxa ku wehliyay qaar ka tirsan wasiirada iyo xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed, waxana uu sheegay in ammaamka degmada Diin-soor iyo deegaannada ku hareeraysan waxbadan laga qaban doono.

Waxaan ka bilaabi doonaa howlgalo lagu sugayo ammaanka dhammaan deegaanada hoos yimaada degmada Diinsoor.”ayuu u sheegay Madaxweyne Shariif qaar kamid ah waxgaradka degmada Diinsoor oo uu kula la qaatay.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa bulshada ku dhaqan degmada Diin-soor waxa uu u sheegay inuu maamulkiisa uu ka go’anyahay xaqiijinta ammaanka goobaha  uu ka taliyo.

Shariif Xasan Sheikh Aaday ayaa booqday xeryaha ciidamada ee ku yaallo deegaanka Diin-soor ee gobolka Baay, ciidamadaas oo dhawaan tobabar loogu soo xiray degamadaasi.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa malamahan booqasho ku marayay qaar kamid ah deegaanada Koofurgalbeed waxana uu dhowaan booqday degmada Baraawe ee xarunta dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: