War deg deg ah: Afar qof oo ku dhimatay iska horimaad ka dhacay Muqdisho

WAAJIDPRESS – 26 APR 2017:

 

Afar qof oo rayid u badan, ayaa ku dhimatay iska horimaad galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo shan kalana la sheegay in ay ku dhaawacantay.

 Iska horimaadkan oo u dhaxeeyay ciidan ka wada tirsan Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa uu ku dhex maray Beerta Jaadka ee Degmada Hodan.

Iska horimaadka, ayaa wuxuu yimid markii irida Beerta Jaadka lagu arkay askari horey u dilay nin rayid ah oo la doon doonayay, iyadoo ay ciidanku dileen askarigaasi. Ciidan kale oo la socday, ayaa la sheegay in iska caabin ugala horyimaadeen ciidankii kale.

Goobjooge, ayaa sheegay in iska horimaadkan uu u dhaxeeyay ciidan ka kala tirsan Booliska iyo Militariga, isagoona mid ka mid ah dadka dhintay ku sheegay askarigii la doon doonayay.

Goobjoogaha, ayaa intaa ku daray in daqiiqado ka dib ay goobtaasi ku kala dhaqaaqeen labadii ciidan ee iska horimaadku uu u dhaxeeyay.

Xaaladda goobtaasi, ayaa mar dambe ku soo noqotay mid caadi ah, iyadoona ay gaareen Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ka hawlgala Degmadaasi Hodan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: