Niman la dhashay Wasiir oo lagu weeraray Muqdisho

WAAJIDPRESS – 27 APR 2017:

Saddex nin oo la dhashay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya, C/qaadir Macalin Nuur, ayaa waxaa maanta lagu weeraray Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoona la dhaawacay.
Xilli ay la socdeen gaari nooca raaxada ah iyaga iyo nin kale oo la socday, ayaa waxaa lagu weeraray agagaarka Iskuulka Dhagaxtuur oo ku yaala meel ku dhow Isgoyska Dabka, waxaana la xaqiijiyay in dabley gaari la socotay ay ku horgoysay gaarigii ay wateen, deetana ay rasaas oodda kaga qaadeen.

Goobjooge, ayaa sheegay in dableyda ay gaariga ku hor jartay gaarigii kale ee ay wateen nimanka la dhashay C/qaadir Macalin Nuur, isagoo intaa ku daray in rasaas xoogan ay huwiyeen.

Goobjoogaha, ayaa sidoo kale sheegay in dableydii gaariga wadatay ay ku baxsatay gaarigaasi, mar dambena ay dadka deegaanka u gurmadeen dhibane-yaasha.

Isagoo diiday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayuu sheegay in ay arkayn dhaawacyada saddex ka mid ah Ilmo Macalin Nuur iyo ninkii kale ee la socday. Mid ka mid ah dhaawacyada Ilmo Macalin Nuur, ayuu dhaawaciisu ku sheegay in uu culus yahay.

Laba ka mid ah ragga la weeraray, ayaa waxaa magacyadoodu lagu kala sheegay Cabaas Macalin Nuur iyo Cumar Macalin Nuur.

Weerarkan, ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, xilli maanta oo keliya dhawr qof lagu dilay dilal qorsheysan oo siyaabooyin kala gedisan uga dhacay Magaalada Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: