War deg deg ah: Nabadoon caan ahaa oo maanta lagu Dilay Waqooyga Magaalada Gaalkacyo ee deegaanka Maamulka PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 27 APR 2017:

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkayo ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay Nabadoon caan ahaa ku Dileen Waqooyga Xarunta Gobolka Mudug.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Jaamac Diirshe (Maxamuud Fareey), islamarkaana ahaa Ganacsade ayaa sida la sheegay waxaa toogasho lagu dilay wax yar un kadib markii uu ka so baxay Hooygiisa.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Idaacaddaha ee Magaalada Muqdisho, in Nabadoonka uu ku dhintay islamarkaana lagu toogtay.

Waxaa intaasi uu ku daray in Dableydii hubeysneyd ay goobta isaga baxsadeen.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa ku amray Booliska in ay fuliyaan howlgallo baaritaano ah si gacanta loogu soo dhigo Kooxihii ka dambeeyay Dilkaasi.

Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada Dilka Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe oo ka dhacay Waqooyga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: