War hadda soo dhacay: Sarkaal ka tirsan NISA oo Muqdisho lagu dilay

WAAJIDPRESS – 27 APR 2017:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya xaafadda Maanabooliyo ee Degmada Shibis, Kooxo hubaysan ayaa halkaasi ku toogtay Sarkaal sida la sheegay ka tirsan ciidanka NISA.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu fadhiyay meel aanan ka fogeyn hoygiisa, waxaana halkaasi ku toogtay rag dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubaysnaa.

Wararka waxa ay sheegayaan Sarkaalka la dilay in lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali, islamarkaana uu ahaa Sarkaal sare oo xilliyada qaar ay la socon jireen ciidan ilaalo u ah.

Raggii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaan ayaa ka baxsaday goobta, mana aysan suuragalin in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigaan dableydaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa lagu bartilmaameedsadaa Magaalada Muqdisho gudaheeda, iyadoo inta badan ay baxsadaan ragga dilalka qorsheysan ka gaysta Magaalada Muqdisho.

Maalmahan dambe waxaa aad u yaraa dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka dhaca, wixii ka dambeeyay markii Rag hoobiye tuuraayay Hay’addaha ammaanka ay qabteen.

Amniyaadka Al Shabaab oo aanan laga dhex aqoonin Bulshada caadiga ah ayaa fuliyay dilalka qorsheysan ee caasimadda ka dhaca inta badan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: