Archive for Maajo, 2017

War hadda soo dhacy: Dilalka oo batey , Nabadoon caan ah iyo Madaxii Gurmadka Ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo caawa labaduba lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Maajo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2017:

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa Magaalada Muqdisho ay ku Dileen Madaxii gurmadka Ciidanka xooga Soomaaliyeed.

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Gaashaanle Sare, C/laahi Cilmi Nuur C/laahi (Raadiyoow) ayaa waxuu dilkiisa ka dhacay Xaafada Siliga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir.

Gaashaanle Sare CabduLLAAHI Cilmi Nuur ayaa ahaa   madaxa gaadiidka gurmadka deg degga ah ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Goobjooge ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ay isaga baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan weli la sheegin hadii ay dad ku soo qab qabteen.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaasi Gashaanle Sare C/laahi Cilmi Nuur loogu geystay Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale isla caawa, Kooxo hubeysan ayaa caawa waxa ay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dileen Nabadoon si weyn looga garanayay Degmadaasi.Dilkan oo si gaar ah uga dhacay Buundada Ansalooti ee Degmada Waaberi ayaa waxaa fuliyay Dhalinyaro ku hubeysneyd Bastoolado sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Mid ka mid ah Ehelada Marxuumka ayaa Risaala u xaqiijiyay dilka Nabadoonka, oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Maxamed Sheekh Abuukar.

Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Degmada Waaberi, ayaa daqiiqado ka dib gaaray halkii uu falku ka dhacay, xilli ay baxsadeen Dableyda.

War deg deg ah: Dowlada Masar oo si kulul uga soo horjeesatey saldhiga Military ay Turkey ka furaneyso iyo Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Fahad Yaasiin Agaasimaha Madaxtooyada

Maajo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2017:

Dowladda Masar oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta ayaa si cad uga soo horjeesatay saldhiga milateri ee dowlada Turkigu ka dhisaneyso Somalia.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Africa u qaabilsan dowladda Masar Muna Cumar ayaa halis aan la aqbali karin ku tilmaamtay Saldhiga Milatari ee Turkiga ka sameysanayo Soomaaliya.
Waxay sheegtay in Turkey aysan Saaxiib la ahayn Masar iyadoo ku eedeysay inay garab siiso argagixisada.

Sidoo kale Muno ayaa muujisay walaaca ay ka qabto in saldhigaasi uu saameyn ba’an ku yeesho Amniga Masar iyo Carabta inteeda kale.

Dowlada Turkiga ayaa xiriirka u jartay Masar ka dib markii xukuumada Ankara ay ka soo horjeesatay milateriga uu hogaamiyo C/fitaax Al-Sisi ee sanado ka hor la wareegay talada dalkaas, isla markaana xabsiga dhigay Madaxweynihii sida Dimoqraadiga ahaa lagu soo doortay Maxamed Mursi.

Dhinaca kale maanta, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Faraamjo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin (oo ka soo jeeda beesha SHEEKHAAL) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Fahad Yaasiin u magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxweynaha.

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo”ayaa lagu yiri War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

Fahad Yaasiin waa mid ka mid ah saaxibada ugu xooggan ee Madaxweyne Farmaajo, isagoo la sheego inuu fure u ahaa guushii doorashada Madaxweyne Farmaajo ee 8-dii February.

Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la hadal hayay, waxaana markii hore jirtay hadal heyn ku aadan in loo magacaabi doono La Taliyaha Amniga Qaranka, balse magacaabistan ayaa adkaatay, kaddib markii su’aalo laga keenay aqoontiisa xaga amniga.

Sidoo kale Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa waxay soo afjareysa khilaaf dhanka awooda ahaa oo horay ugu dhaxeeyay Abuukar Baalle iyo ninka ku xigay C/risaaq Shoole oo ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada, balse waxaa la ogeyn saameynta kale ay ku yeelan doonto dadkii ku xirnaa ama la safnaa Abuukar Baalle.

Fahad Yaasiin ayaa ahaa wariye horay uga soo shaqeeyay Telefishinka Al-Jazeera, gaar ahaan qeybta Carabiga, waxaana la sheegaa inuu yahay nin xiriir dhow la leh dowladda Qatar, waxaa uu horay uga qeyb qaatay isku xir dhex maray Qatar iyo dowladdii hore, sidoo kalena wuxuu kaalin ku lahaa doorashadii Farmaajo oo uu ahaa maalgelihii ugu weynaa ee ololaha doorashada.

Waa agaasimihii 3aad oo loo magacaabo Madaxtooyada, saddex bilood oo uu Xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo, waxayna tani banaanka soo dhigeysa loolanka awoodeed ee ka dhex jiray kooxaha ku xiran Madaxweyne Farmaajo ee raba inay awood ku dhex yeeshaan Madaxtooyada.

DAAWO OO KA FAAIDEYSO: SIDA AAD CADOWGAAGA UGA GUULEYSAN LAHEYD ISLA MARKAANA U OGAAN LAHEYD

Maajo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2017:

BARNAAMIJKA WAXAA SOO JEEDINAYA AQOONYAHAN KA SOO JEEDA BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE OO LA YIRAAH: Dr. AYUUB SHARIIF SAKIIN:

 

War deg deg ah: Toogasho caawa MUQDISHO ka dhacdey

Maajo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2017:

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa Kooxo hubeysan ay Magaalada Muqdisho ku toogteen qof ka mida ergadii dooratay xildhibaanada Federaalka.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay toogasho ku dishay nin magaciisa lagu sheegay Madaxeey oo lagu dilay Beerta Qaadka ee dhinaca degmada Wadajir.

Ninkan caawa la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii magaalada Kismaayo ku soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Federaalka.

Dhinaca kale iska horimaad kale ayaa la sheegay inuu Caawa degmada Hodon agagaarka Suuqa Qaadka (Beerta) ku dhexmaray Ciidamada u Xasilinta Ammaanka Muqdisho iyo ciidamo kale oo Milateri ah.

Iska horimaadkan oo ahaa kii labaad ee maanta ka dhaca magaalada Muqdisho waxay dadka degaankaasi warbaahinta u sheegeen inay ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ah.

DAAWO: MASHRUUC AFURIN AH OO LAGA HIRGELIYEY MAGAALADA BALEDWEYNE EE GOBOLKA HIIRAAN

Maajo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2017:

 

 

War hadda Soo dhacay: Nabadoon ka soo jeeda Beesha Mareexaan oo hadda GEDO lagu xirey ka dib markii uu ka Hadley Boobka ay Ciidamada Dowlada ku hayaan…….

Maajo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2017:

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Buurdhuubo ee Gobolkaasi ayaa ku soo warramaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi ay xireen Nabadoon caan ah.

Nabadoonka oo lagu Magacaabo Muxumad Maxamuud Aadan ayaa xarigiisu yimid kadib markii uu Wareysi siiyay Idaacadda Shabelle kaas oo uu uga warbixiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Boob kula kacay Raashiin Gargaar oo shacabka tabaaleysan loogu tala galay.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay markii Idaacadda Shabelle ay baahisay Wareysiga  Nabadoonkaasi uu kaga hadlayay  boobka ay Ciidamadu kula kaceen Raashinkaas ay gurigiisa ka kaxeysteen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo arrintaan ay ka soo saareen Masuuliyiinta Maamulka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Taliska Ciidamada AMISOM ee SOOMAALIYA oo ku dhawaaqay inay qaadayaan weeraro ka dhan ah Al-Shabaab

Maajo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2017:

Taliska Guud ee AMISOM ayaa maanta ku dhawaaqay inay qaadayaan weeraro ka dhan ah Al-Shabaab, inta lgu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Jen. Cusmaan Nuur Subagle (oo ka soo jeeda dalka Jabuuti) ahna Wakhtigani Taliyaha Guud ee AMISOM ayaa maanta ka sheegay magaalada Baydhabo inay isku diyaarinayaan howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa kulan kula qaatay magaalada Baydhabo saraakiil ka tirsna milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howl gala magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in saraakiisha uu kala hadlay sidii loo qaadi lahaa howl gal ka dhan ah Al-Shabaab, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Waxaa uu sheegay in saraakiisha labada dhinac uu kala hadlay sidii loo furi lhaa waddooyinka xiran, si dadka ku xaniban deegaanada loo gaarsiiyo gargaar.

AMISOM ayaa dhowr jeer hore sheegay inay qaadayaan howl gal ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada ay gacanta ku hayaan, waxaana la xusuustaa in dhowaan isaga soo baxeen deegaano ay gacanta ku hayeen.

War deg deg ah: Diyaarad ku soo dhacday Garoonka Aadan Cadde ee MUQDISHO

Maajo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2017:

Wararka aan ka helayno Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Diyaarad ay leedahay Shirkadda Bancroft oo qaabilsan dhanka la talinta amniga inay ku soo dhacday Garoonka.

Diyaaradan oo ah nooca yar yar ee ay isticmaalaan Ajaanibta ee dhanka ammaanka qaabilsan ayaa la sheegay inay u fidsami waayeen lugaha, muddo ku dhaw saacadna ay dul wareegaysay Garoonka.

Qof ku sugan Garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay wax khasaare ah inuusan ka dhalan diyaarada, dad ajaanib ah oo saarnaa, tiradoodana ay gaareyso 5 ruux ay ka badbaadeen Diyaarada soo dhacday.

Durba waxaa la joojiyay dhaqdhaqaaqii duulimaadka Garoonka Aadan Cadde oo masuuliyiinta iyo Saraakiisha ammaankaba waxa ay ku baxeen diyaaradaasi soo dhacday.

Shirkada Bancroft ayaa ah Shirkadda dhanka ammaanka ka shaqeysa, waxayna leedahay eeyaha dadka baara ee Garoonka Aadan Cadde ka hawlgala.

Maalmo ka hor ayeey aheyd markii ay dagi weyday Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airline, inkastoo markii dambe ay suuragashay inay degto.

War hadda soo dhacay: Qarax lala eegtey ciidamada JUBALAND

Maajo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2017:

Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa qarax khasaare gaystay waxaa lagula eegtay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.
Qaraxa ayaa ciidamada waxaa lagula eegtay deegaanka Cabdalla Biroole ee Magaalada Kismaayo, kadib markii gaari dagaal oo ay wateen ciidamada la qarxiyay.

Laba askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi, halka sidoo kale uu jiro dhaawac soo gaaray ciidamada.

Saraakiisha Jubbaland kama aysan hadlin qaraxan lala eegtay ciidamada ee ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole.

Shabaab ayaa waxyaabaha qarxa ku aasa deeganada ku yaal duleedka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ku dhibaateeyaan ciidamada u baxa hawlgalada.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa sheegay mid ka mid ah askartii qaraxa ku geeriyootay inay ka qaateen Qoriga Ak47 ah, inkastoo aanan la xaqiijin karin sheegashadooda.

Ciidamada Jubbaland ayaa saaka hawgalo lagu xaqiijinaayo ammaanka ka wada Magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda.

DAAWO: HAY’ADA ARC OO DEEQ RAASHIN AH GAARSIISEY 1,100 QOYS OO KU SUGAN MAGAALADA BAYDHABA

Maajo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 29 MAY 2017: