WAR DEG DEG AH: Dagaalo culus oo caawa ka qarxay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose

WAAJIDPRESS – 1 MAY 2017:

Al-Shabaab caawa ay dagaal xoogan ku qaadeen Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Deegaanada ay Al-Shabaab weerareen Waxaa ka mid ah Deegaanka lagu magacaabo “yaaq abaala guboo” oo hoos tagta No-50 iyo Fariisin Ciidamada AMISOM ku leeyihiin inta u dhaxeysa Ceel wareegow iyo No-50.

Sidoo kale Dagaal ayaa isana  ka dhacay deegaanada dhanka xeebta ee Jilib Marka oo Ku dhow Magaalada Xarunta Gobolka Shabelaha Hoose ee Marka.

Dadka Degaanka ayaa sheegay Dagaalka in uu si gaar ah uga socdo Degaanka Number 50, la iskuna adeegsanayo Hubna nuucyadiisa kala duwan, oo cabsi badana ay ka muujinayaan shacabka halkaasi ku dhaqan.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo hoggaaminaya Dagaalkan ayaa Risaala iyo Idaacadaha kale u sheegay Dagaalka in uu bilowday Sagaalkii Galabnimo, ilaa hadana uu socdo, oo labada dhinac ay Dagaalamayaan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: