War deg deg ah: DAAWO: 30 Xildhibaan oo Ka tirsan oo ka soo horjeestay Maamulka Jubbaland

WAAJIDPRESS – 2 MAY 2017:

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay isbahaysi ka kooban xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin deegaankaas ka soo jeedda, kuwaas oo Ka soo horjeeda  madaxweynaha Jubbalan Axmed Madoobe.

Isbahaysigan ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha Jubbalan in uu yahay kelitalis aan ogolayn in ay deegaanka uu ka taliyo ku sugnaadaan dad isaga ka aragti duwan.

In Ka badan 30 Xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanadaan oo maanta Kutlo cusub uga dhawaaqay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caqabado badan ay horyaalaan Maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland ayaa Nasiib darro ku tilmaamay in Xildhibaanada qaar ee Maamulkaasi Jubbaland lagu tilmaamo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Kulanka maanta ay isugu yimaadeen Xubnahani ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa imaanaya xilli tiro Xildhibaanno ah horay looga soo masaafuriyay Magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaaland ayaa wajahaya Culeys Siyaasadeed marka loo eego illaa 30 Xildhibaan oo aan la dhacsaneen hanaanka uu ku shaqeeyo Maamulkaasi.

Isbahaysigan cusub ayaa u eg mid u diyaargaroobaya dagaal ka dhan ah madaxweynaha Juballand oo lagu tilmaamo nin aad ugu dadaala in uu ku adkeysto awoodda maamulkiisa, kana hortago cid kasta oo caqabad uu u arko – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: