Ra’iisul Wasaare K/xigeenka Jarmalka oo Baydhaba Booqday

WAAJIDPRESS – 2 MAY 2017:

Ra’iisul Wasaare K/xigeenka Dalka Jarmalka Signar Gabriel oo maanta booqasho kedis ah ku yimid Magaaladda Muqdisho ayaa booqday mid ka mid ah xeryaha ay ku noolyihiin dadka abaaruhu ay soo barakiciyeen ee duleedka Magaaladda Baydhaba.
Ra’iisul Wasaare K/xigeenka, islamarkaana Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka waxaa safarkiisa Baydhaba ku weheliyay Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay Micheal Keating, saraakiil ka socotay dowladda federaalka, waxaana ku soo dhaweeyay Baydhabo Madaxweynaha Maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wuxuu la kulmay, islamarkaana uu guurgalay xaalada qaar ka mid ah dadkii dhibaatadu ka soo gaartay abaarihii ba’naa ee ku dhuftay Soomaaliya, kuwasoo sidoo kale la ildarnaa roobab mahiigan ah oo saddex maalmood ee u dambeeyay ka da’ayay magaaladda Baydhabo iyo nawaaxigeeda.
Signar Gabriel oo noqonaya mas’uulkii ugu darajo sareeyay ee Soomaaliya soo booqdo muddo 30 sanno ka badan, ayaa kadib markii uu la kulmay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre wuxuu ku dhawaaqay deeq lacageed oo gaaraysa 70 milyan oo euro, taasi oo ka dhigaysa deeqda jarmalka ee uu Soomaaliya siiyay 140 milyan tan iyo markii la doortay madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: