MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED OO MAANTA GUDOOMIYE CUSUB U MAGACAABEY GOBOLKA BAY

WAAJIDPRESS – 4 MAY 2017:

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay waxa uu u magacaabay Dr. Cali Wardheere C/raxmaan (oo Ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE – LEYSAAN), kadib kulankii ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Masuulka loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Baay ee lagu magacaabo Cali Wardheere C/raxmaan ayaa la sheegay in uu ahaa Ganacsade si weyn looga yaqaano Degaanada Koonfur Galbeed, wuxuuna bedelayaa Dr. C/rashiid C/laahi Maxamed oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu cambaareeyay dilkii loo geystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib udhiska Dr. Cabaas C/laahi Shiikh Siraaji oo xalay fiidkii Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku toogteen Afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya EE MUQDISHO, islamaantana lagu Aasay Muqdisho.

Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug, kuna soo baxay Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo noqday Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Koonfur Galbeed waxa ay sheegtay in ay la shaqeyn doonto Madaxweynaha cusub ee la doortay, iyaga oo u mahadceliyay Xildhibaanada Maamulka Galmudug ee suurtageliyay in ay dhacdo Doorasho lagu wada qanacsan yahay –  Akhriso wareegtada:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: