War deg deg ah: Hanti-Dhowrihii ciidamdiisa Wasiir Siraaji oo maanta xilka laga qaadey Lana ceyriyey

WAAJIDPRESS – 4 MAY 2017:

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Xil ka qaadis ku sameeyay isla markaana ceyriyey Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Xil ka qaadista Hanti dhowraha ayaa waxa ay la xiriirtay ka dib markii Xalay ay Ilaaladiisa Muqdisho ku dileen Wasiirkii Wasaarada Howlaha Guud ee Xukuumada Soomaaliya Marxuum Cabaas Siraaji.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa isku raacay in xilka laga qaado Hanti dhowraha sidoo kalena Maxkamad la soo taago Askarii toogatay Wasiir Cabaas Siraaji.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa si KMG ah Xilka Hanti dhowraha ugu Magacaabay Ku Xigeenka Hanti Dhowraha guud ee qaranka.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa Warbaahinta u sharaxay go’aanka golaha Wasiirada iyo waxyaabaha kale oo ay Caawa ka shireen.

Waxaa Golaha Wasiirada ay isku raaceen in xil ka qaadis lagu sameeyo Hanti dhowrka Guud Dr. Nuur Faarax, kaddib markii lagu helay Ilaaladiisa inay ka dambeeyeen dilka Wasiir Cabaas.

Guddi loo xil saaray baaritaanka dilka ayaa kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsan baaritaankii ay sameeyeen horu dhac ah, iyo sida ay goobta wax uga dhaceen.

Tallaabooyinka xilka looga qaaday ayaa ka dambeysay, markii Guddiga ay soo bandhigeen warbixinta la xiriirta sida uu falka ku dhacay.

Sababaha xilka looga qaaday ayaa waxay kala yihiin sidan:-

1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: