Wararkii Ugu Dambeeyay ee Baarista Dilkii Wasiir Siraaji, Ciidamo hor leh oo la xiray & Askarigii dilka geystay oo…

WAAJIDPRESS – 6 MAY 2017:

Baaritaanka kiiska dilkii loo geystay Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji ayaa walli soconaya iyadoo ay soo baxayaan warar hordhac ah.

 
Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay soo xireen rag kale oo ilaalo u ahaa wasiirkii dhintay, taas oo ka dhigeysa in askartii horey loo hayay oo sedex ahaa la kordhiyay
Afhayeenka Booliiska Qaasim Axmed, ayaa xaqiijiyay in baaritaankii lagu hayay Seddexda Askari ee Hanti dhowraha lagu biiriyay laba Askari kale oo ilaalo u ahaa Wasiirka dhintay.

 
Qaasim Axmed, waxa uu sheegay in kiiska dilka Wasiirka uu yahay mid isa sii furfuraayo waxa uuna tilmaamay in labada Askari ee Wasiirka looga maarmi waayay kiiska baaritaanka socda, sidaana ay ugu biireen kuwa Hanti dhowrihii dilka geystay.
Qaasim Axmed, oo arrintaani ka hadlaaya ayaa yiri “Ciidanka Booliska waxa ay xireen askar ilaalo u ahaa Marxuum wasiir Cabbaas Shiraaji, si qeyb ay uga noqdaan baaritaanka.

 
Kiiska dilka wuu sii ballaaranayaa waxaana diyaar loo yahay in kiiskaasi la gaarsiiyo halka uu ka bilowday kuna soo dhamaaday.
Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji ayaa xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

 
Geesta kale, waxaa iminka la xaqiijiyay in la helay Askariga saxda ah ee toogtay Wasiirka balse lasii baarayo sababta ka danbeysay dilka iyo waxa ay ilaalada Wasiirka ka ogyihiin dilka.
Si kastaba, tan taliska ciidamada danbi baarista ayaa dadaal ugu jira in sida ugu dhaqsiyaha badan ay saxaafada usoo bandhigaan cadeymaha ay ilaa haatan hayaan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: