War deg deg ah: Qarax Baabuur laga soo buuxiyey oo manta Muqdisho ka dhacay iyo Shacab iyo Generaal ku geeriyoodey

WAAJIDPRESS – 8 MAY2017:

Qarax aad u xoogan, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo la soo sheegayo in qaraxu uu khasaaro kala duwan gaystay.

 Qaraxan, ayaa waxaa la soo wariyay in uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la soo dhigay afaafka hore ee Maqaayada lagu Magacaabo Italian iyo  Hotel Raas, kuna dhow Shaneemo Soomaali oo ku yaala wadada ugu mashquulka badan oo ah Wadada Makka Al-Mukrama ee Magaalada Muqdisho, Meesha uu qaraxu ka dhacay waxaa ku yaala goobo ganacsi.

Qaraxan ayaa ku dhintey ilaa 10 qof oo shacab ah , tiro kalena wuxuu soo gaarey dhaawacyo badan waxaana loo qaadey Isbitaal Digfeer iyo isbitaalo kale ee Muqdisho.

Sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka banaadir ee Dowladda Soomaliya Cabdi Fitaax Cumar Xalane qarixii galabta ka dhacay kasoo hor jeedka maqaayad lagu magacaabo Italian Caffe oo ku dhegan gurigii hore ee shaqaalaha oo ku dhow Ha’yada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya waxaa ku dhintay General Abdi Bashir Aden oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo waliba Jamaal Cabdi Shuuriye oo ahaaa madaxa dhaqan celinta maleshiyaadka shabaab kasoo tagay ee gobolka Hiiraan.

ALLAHA u Naxariistee General Abdi Bashir Aden oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa la xaqiijiyay in uu kamid ahaa mas’uuliyiin fadhisay Afafka Hore ee maqaayadda Italian Coffee islamarkaana uu waxyeelay qaraxa gaariga.

Sidoo kale Ala Ha u Naxariistee General Abdi Bashir Aden oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa soo noqdayAbaanduulihii Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed ee qeyta 12-April, koonfurta dalka Soomaliya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: