Akhriso then daawo: Farmaajo, Cosoble, Shariif Xasan iyo Xaaf oo ayagoo dhoola cadeenayo u amba baxay Maanta Magaalada London

WAAJIDPRESS – 9 MAY 2017:

11-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah waxaa Magalada London ee dalka Ingiriiska ka Furmi doona shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.

 Afarta ajande ee looga hadlayo shirka Magaalada London waxaa kamid 1- Amniga, 2- kobcinta iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha,  3-siyaasada iy dib u eegista dastuurka iyo 4- Qaabka wada shaqeyneyd ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isagoo ku sii jeeda Dalka Britain, haakaasi oo uu Madaxweynuhu ku shir gudoomin doono shir Caalami oo laaga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliyey R/wasaare ku-xigeenka Dalka, Wasiirka Gaashaandhiga,  Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, iyagoo kuligood hal diyaarad ku wada baxay.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaas ay Dowladdu la hortagi doonto Qorshoyaal ku saleysan Baahida Soomaaliya Xiligan ay qabto.

Waxaa kaloo shirka ka qeybgalaya Madaxda dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa la filayaa iney ka qeyb galaan shirkaas taas oo cadeynesa iney doonayaan iney ku lug lahaadaan arimaha Soomaaliya loo go’aaminayo.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaal kooban oo ku saabsan safarka Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada ay ugu ambabaxeen Magaalada London oo lagu qabanayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya – DAAWO:

 

 

 

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: