Madaxweynaha Kenya Uhuru oo maanta u ambabaxay London ayaa sheegey “Ciidanka Kenya way joogayaan Somalia ilaa Kenya ay ka noqoneyso meel amni ah”

WAAJIDPRESS – 10 MAY 2017:

Dalalka IGAD oo ku kala qeybsamay ka qeybgalka shirka Soomaaliya ee London.

Dalalka IGAD oo intooda badan saameyn ku leh xaaladda Soomaaliya ayaan u dhammeyn shirka London ee arrimaha Soomaaliya. Waxaa la xaqiijiyay inay shirka Soomaaliya ee London ka qeyb galayaan Madaxweynaha Kenya iyo R/wasaaraha Itoobiya oo keliya iyadoo ay ka baaqsadeen madaxda kale ee IGAD.

Madexweynaha Kenya Uhuru kenyata ayaa saaka u dhoofay magaalada London, isagoo ka qeybgalaya shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale magalada London isna gaaray R/wasaraha Itoobiya Haile mariam Deselegn.

Madaxweynayaasha Uganda iyo Jabuuti oo shirkii hore ka qeyb galay ayaa ka baaqsaday shirka London ee 2017, waxaan sidoo kale ka qeyb galeynin dowladda Suudaan.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Kenya ay sii joogi doonaan Soomaaliya, si ay u dhameystiraan ujeedka ay markii hore u soo galeen oo ah xaqiijinta ammaanka Kenya.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay ka hor inta uusan Nairobi ka dhoofin, kuna sii jeeda London ayaa sheegay in Kenya aysan Soomaaliya ka bixi doonin, tan iyo inta Soomaali ay iyada is difaaci karto.

Madaxweynaha Kenya ayaa ka mid ah Madaxda dalalka Gobolka ee ka qeyb galaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee berri ka furmaya London.

Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa qeyb ka ah howl galka AMISOM, iyadoo ajandayaasha shirka uu ka mid yahay dhismaha ciidamo gaaraya 18-kun askari oo qorshahooda yahay inay la wareegaan Ammaanka dalka, kaddib marka ay AMISOM ka baxdo Soomaaliya sanadka 2018, sida qorshuhu yahay.

“AMISOM halkan uma joogto arrimo gaar ah ee waa mid amniga lagu sugayo, wadamada dariska ah ee AMISOM kujira waxey Somalia uso galeen si amnigeena ay u sugaan, Dabcan Somalia waxay u baahantahay in iyada ay isdifaacdo, laakiin sax maahan in AMISOM ay iska baxdo, iyadoo an Soomaaliya amni laga dhigin, taasina waa hadafka aan dooneyno inaan gaarno”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo Wariyeyaasha kula hadlayay Nairobi, ka hor inta uusan u ambabixin London.

Kenya ayaa dhamaadkii sanadkii 2011 kumanaan askari soo gelisay Soomaaliya, kuwaasoo ka soo tallaabay xuduuda, iyagoo ku andacooneysa inay la dagaalameyso Al-Shabaab iyo ka hortaga falal afduub ah oo ka dhacay gudaha dalkeeda, kaddib markii dad laga soo afduubtay xeryaha qaxootiga Kenya iyo gobolka dalxiiska ee Kenya lala soo galay gudaha Soomaaliya.

Kumanaan askari oo Kenya ka socda ayaa hada ka mid ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM, waxaase ciidamada kenya ay yihiin kuwo ugu badan ee wajahaya weerarada Al-Shabaab, waxaana askar badan looga dilay gudaha Soomaaliya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: