War deg deg ah: Waxaa hadda MUQDISHO lagu diley mid ka mid ah ergadii soo xushey Xildhibaanada Labada Aqal

WAAJIDPRESS – 11 MAY 2017:

Gelinkii dambe ee maanta, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah Ergadii soo xushay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Kooxo hubeysan, ayaa xaafadda Al Baraka ee Degmada Hodan ku toogtay ninka Ergada ka tirsanaa, iyagoo dilka ka dibna ka baxsaday xaafadaasi.

Ciidamada ammaanka, ayaa mar dambe gaaray goobta uu falku ka dhacay, mana jirto cid ay u soo qabteen dilka marxuumka. Marxuumka waxaa la sheegay in meydkiisa loo qaaday Xarunta Dembi Baarista ee CID.

Dadka deegaanka, ayaa magaca marxuumka ku sheegay Sayid Cali Xuseen Abtidoon, isagoo ka mid ahaa Ergadii Galmudug ee Xildhibaanada ku soo xushay Magaalada Cadaado.

Dilka Sayid Cali Xuseen, ayaa waxaa lala xiriirinaya maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo kol hore ku hanjabay in ay dili doonaan cid kasta oo ka qayb qaadata arrimaha doorashooyinka dalka.

Magaalada Muqdisho, ayaa noqotay goobta ugu badan ee lagu bartilmaameydsado xubnaha ka tirsan Ergadii Xildhibaanada ku soo kala dooratay Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho, Jowhar, Cadaado iyo Garoowe.

Illaa iyo hadda waxaan jirin cid la sheegay in hay’adaha amnigu u soo qabteen Ergada siyaabooyinka kala gedisan loogu kala dilay Caasimadda Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: