DAAWO: SHIRKADA DP WORLD EE DOWLADA IMAARAADKA OO MAANTA SI RASMI AH ULA WAREEGTEY DEKADII BERBERA EE SOMALILAND

WAAJIDPRESS – 11 MAY 2017:

 

Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay kana soo qaybgaleen Madaxda ugu saraysa shirkada Dp World iyo Madax sare oo ka socday dawlada ee Itoobiya ayaa ahayd mid ay shirkada DPW si rasmi ah ugala wareegtay dawladda Somaliland dekeda Berbera sidii ay heshiisyadii hore lagu cadeeyey, balse munaasibadan ayaa ah midii ugu weynayd ee dalka lagu qabto, taas oo lagu shaaciyey heshiiskaasi hore uga dhacay Dubai.

Weftigii miisaan leh oo ka socday shirkada Dp world ayaa subaxnimadii hore maanta May 11 2017 ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Kuwait Terminal of Berbera, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey weftiga xubno ka mida golaha wasiirada oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland iyo madaxda gobolka Saaxil, waxaana loo soo gelbiyey dhinaca guriga martida ee magaalada Berbera waxaana ku qaabiley madaxweynaha qaranka jamhuuriyadda Somailand Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka dibna waxa loo gudbay dhinaca dekeda oo ay ka dhacday munaasibada wareejinta dekedu, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyey maareeyaha dekeda Berbera ee Dp World (DP World Berbera CEO Ibrahim Al Hammadi, said), maamulaha shirkada Dp World, (DP World Group Chairman & CEO Sultan Ahmed bin Sulayem, said), wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire iyo Madaxweynaha oo isagu soo xidhay munaasibada, ka dibna shahaadooyin ayuu madaxweynuhu gudoonsiyey isagoo uu wehelinaayo maamulaha shirkada Dp World, masuuliyiintii ka socday dawlada Somaliland iyo shirkada DP World ee qaybta weyn ka qaatay in ay hirgasho oo lagu guulaysto heshiiskan taariikhiga ah ee Somaliland iyo DP World ay wada galeen.

Madaxweynaha qaranka Somaliland, Md Axmed Maxamed Silaanyo oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa yidhi” Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,, Alxamdaalilaahi Rabbil Caalamiin, Wa Salaatu Wa Salaamu Calaa Rasuulillaah – DAAWO:

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: