War deg deg ah: Qarax Ismiidaamin ka dhacday Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose

WAAJIDPRESS – 12 MAY 2017:

Ismiidaamin, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ismiidaamintan, ayaa waxaa gaystay nin xirnaa jaakadda ka samaysan walxaha qarxa, iyadoo uu isu dhigay gaari yar oo ciidan ay la socdeen, xilli ay marayeen agagaarka Beerta Olympic.

Ninkan, ayaa waxaa la sheegay in laga soo celiyay albaabka hore ee Xerada Koongo, isaga oo doonayay in uu gudaha u galo. Ciidamada Ilaalada Xerada oo ninkaasi ka shakiyay, ayaa ku amray in uu dib u laabto.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay, ayaa la sheegay in uu arkay gaarigii ay ciidanka la socdeen, iyadoona uu isu dhigay, isuna qarxiyay.

Ciidanka, ayaa waxaa la soo sheegaya in waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi, inkastoo aan faah faahin rasmi ah laga hayn inta uu khasaarahoodu gaarsiisan yahay.

Goobjooge, ayaa sheegay in uu arkay meydadka laba qof oo rayid ah iyo dhaawaca haweeney da’ ahayd, oo xilligii uu qaraxu dhacayay wadada mareysay.

Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa xiray wadooyinka soo gala, waxaana ay bilaabeen baaritaan ku aadan ninka is qarxiyay.

Ismiidaamintan, ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli muddooyinkanba ay ka soo reynaysay xaaladda amni ee Magaalada Kismaayo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: