War deg deg ah: UGAAS la diley iyo Sarkaal Maanta MUQDISHO lagu dhaawacay

WAAJIDPRESS – 12 MAY 2017:

Muqdisho-RisaalaFM- Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Labo Dhagax waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu dhaawacay Ugaas ka soo jeeda Degaanada Galmudug.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dhaawaca loo geystay Ugaaska, iyaga oo goobta ka baxsaday falka kadib.

Ugaaska la dhaawacay ayaa la yiraah Cabdi Dhoore, kaasi oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee xildhibaanada ku soo doortay Degaanada Galmudug.
Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdi Dhoore ayaa Goobta lagu Weeraray waxaa looga qaaday Dhaawac,balse waxaa uu dhintay intii loo sii waday Isbitaalka.
Shalay ayey aheyd markii Isla Degmada Hodan lagu dilay Sayid Cali Cismaan Abtidoon oo ka mid ahaa Ergadii galmudug Xildhibaanada ku soo dooratay.

Dhinaca kale isla Maanta, Sarkaal ka tirsan Nabadsugida ayaa gaarigiisa loogu xiray miino kuwa baabuurta lagu dhejiyo ee Magnada leh, iyadoo sarkaalkan uu markii dambe ogaaday in gaarigiisa miino loogu xiray.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Ismaaciil Daahir ayaa degmada Dayniile loogu xiray Miinada, waxaana markii dambe isagoo gaarigiisa wata soo dhacay taleefan miinada ku xirnaa, taasoo keentay in dhicistii mobilka uu maqlo, dabadeedna ka degay gaariga.

Miinada iyo taleefanka ayaa ahaa kuwo isku xirnaa oo fiilooyin wada xiriirinayay, waxaana layaab aheyd inuu durbaba gaariga ka degay, markii uu dhawaaqa mobilka maqlay, oo la sheegay in taleefanka mobilka ay aheyd aalada fududeyneysa inay qaraxdo miinada.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: