Raisul Wasaare Khayre oo safarkii ugu horeeyay maanta u ambabaxay Dalka Qadar

WAAJIDPRESS – 13 MAY 2017:

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta u ambabaxay Safarkiisi ugu horeeyay tan iyo markii xilka Ra’iisal Wasaarnimo ee dalka loo magacaabay 23-kii Bishii February.
Safarkaan ayuu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ugu ambabaxay Magaalada Doha ee dalka Qadar, halkaasi oo la soo warinaayo inuu shir kaga qayb galaayo.

Xasan Cali Khayre, ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliya oo u raacay dalka Qadar.

Amhiyada safarka Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku saabsan ka qayb galka shir lagu qabanaayo Magaalada Doha ee dalka Qadar, kaasi oo looga hadli doono arimo kala duwan.

Shirkan waxaa xoogga lagu saarayo Dhaqaalaha,maalgashiga,amniga iyo xiriirka Waddamada Bariga dhexe,sidoo kale waxaa ka qeyb gelaya Barayaal sar-sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha ugu waaweyn Caalamka waxaana ay ka jeedin doonaan hadallo la xiriira xasilinta Siyaasadda Caalamka.

Safarka Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu maanta ugu ambabaxay Magaalada Doha ee dalka Qadar, ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta uu dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Somaliya.

Waa Safarkii koowaad ee Ra’iisal Wasaare Khayre uu dalka uga ambabaxo, tan iyo magacaabistiisa, isaga oo intaas ku sugnaa Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa la kulmi doono madaxda dalka qadar iyo masuuliyiinta kale ee shirkaasi isugu yimaado.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: