Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyay shacab inay ku laayeen Gobolka Hiiraan

WAAJIDPRESS – 14 MAY 2017:

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa eedeyn kulul waxa ay u jeediyeen ciidamada Itoobiya ee ka hawlgala Gobolka Hiiraan, waxaana lagu eedeeyay ciidamada inay laayeen dad shacab ah.
Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Guure oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Warbaahinta u sheegay inay soo gaartay cabasho ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay dad badan oo shacab ku laayeen inta u dhaxeysa Magaalada Baledweyne iyo deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in deeganada kala ah Nuur Fanax, Beerxaani iyo Garasiyaani dad xoolo dhaqato ah ciidanka ay ku laayeen, kuwaasi oo aanan waxba galabsan.

“Waxaa nasoo gaartay cabasho badan dadkii xoolaleyda,Beeraleyda iyo dadka ku dhaqan tuulooyinka kuwaasoo inoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay dileen dad badan oo aan waxba galabsan,Tiro koob sax ah ma hayno laakiin Baledweyne iyo Halgan inta u dhaxaysa waxaa naloo soo sheegaya in Itoobiyaanku ay ku dileen labaataneeyo qof,deegaanada ay dadka ku dileen waxaa kamid ah Qurbaaf,Beerxaano,Nuur Fanax,Tarasare iyo Garasyaani.”ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Guure oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaaka Hirshabeelle.

Maalin ka hor ciidamada Itoobiya ayaa si bareer ah deegaanka Beerxaano, waxa ay ugu dileen Wiil iyo Aabihiis, kadib markii halkaasi miino ay kula qaraxday.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dadka rayidka ah laaya, xilliyada ay ku guda jiraan hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Itoobiya ayaanan u nixin shacabka Somaliyed, marka loo eego sida ciidamada ay ula dhaqmayaan dadka rayidka ah.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: