Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay in la kordhin doono tirada Baarlamaanka Puntland

How WAAJIDPRESS – 14 MAY 2017:

May 14 (Jowhar)— Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in la kordhinayo tirada xubnaha baarlamaanka Puntland, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen hadal heynta ku saabsan arrintan.

C/wali Gaas ayaa hadalkan ka sheegay xaflad ka dhacday London oo ay qaban qaabiyeen Jaaliyadda Puntland, isagoo ka dhawaajiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka dalbaday in la furo Baarlamaanka, si xubno lagu kordhiyo.

“Waxaa ka dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland in lagu kordhiyo 7 xubnood, maadaama dadku ay 50% ay ka maqan yihiin, qabiilada qaarna waa ku jiraan, kuwana waa ka maqan yihiin”ayuu yiri C/wali Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Baarlamaanka Puntland uu 19-sano uu ahaa sidii lagu aas aasay oo aheyd 66 Xildhibaan, isagoo balan qaaday Xildhibaanada ka maqan xuquuqdooda u raadin doono.

Baarlamaanka Puntland ayaa ah kan ugu yar ee Baarlamaanka dowlad goboleedyada dalka ka jira, iyadoo Baarlamaanka ugu badan uu yahay kan Koofur Galbeed, waxaa ku xigay Baarlamaanka Hirshabeelle, halka Baarlamaanka Galmudug uu yahay midka 3aad.

Hadii la kordhiyo tirada xubnaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa waxay noqon doonaa 73 Xildhibaan

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: