War deg deg ah: Qarax xoogan oo ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee magaalada MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 2017:

Qarax daryan xoogan sameeyay, ayaa goor dhow ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxan la soo sheegayo in uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxani ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa oo la soo dhigay afaafka hore rug caafimaad oo ku taala ka soo horjeedka Gurigii Hooyooyinka.

Qaraxan ayaa waxa uu mid si weyn looga maqlay qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, maadaama uu ahaa Gaari walxaha Qarxal laga soo buuxiyay.

Wararka ayaa  sheegaya in qaraxan lala damacsanaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha iyo xubno katirsan wasiirada dowladda ayaa isticmaalayay wadada qaraxani Ka dhacay iyo wadooyinka ku dhow madaxtooyada maadaama ay ka qeyb galayeen maalinta dhalinyarada SYL.

Qaraxani Ayaa ku dhaawacmey 3 qof oo shacab ah.

Taliska ciidamada dowladda ayaa sheegay iney ku raad joogeen gaarigan isla markaana mudo laga shakisanaa meesha uu yaalay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen Dadka shacabka ah in halkaasi laga kala eryay markii hore, maadaama Gaariga laga shakiyay, taasi oo koobtay khasaaraha badan ee ka dhalan lahaa Qaraxan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: